|
Guddoomiyaha
Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh: "Kaalmadan ay MUSLIMAID –
UK maanta guddoonsiisay Jaamacadda Muqdisho waa mid aan uga
mahadcelinayno..."
Xarunta weyn ee Jaamacadda Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu
qabtay xaflad Jaamacaddu ay ku guddoontay qalab waxbarasho oo
kala duwan, kuwaasoo kala ahaa; 50-Computer oo casri ah,
5-Printer oo waaweyn iyo yaryar isugu jiray, 4-Kaamirooyin oo
isugu jiray Digital iyo Camera Video, 2-Photocopy iyo
3-Qaboojiyeyaal.
Jaamacadda ayaa waxaa qalabkaan waxbarasho ugu deeqday Hay’adda
MUSLIM AID – UK, oo gacan weyn siisay dhowr jeer oo hore
Jaamacadda Muqdisho.
Xafladda ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno kala duwan oo ka
socday Maamulka Jaamacadda Muqdisho, Ardayda Jaamacadda,
macallimiinta, xubno ka socday Hay’adda MUSLIM AID – UK, kuwo ka
socday Hay’adda African Relief Fund iyo kuwo ka socday
Maxkamadaha; gaar ahaan Qaybta waxbarashada iyo dhallinyarada.
Waxaa lagu furay xafladda Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah,
waxaana hadallo kala duwan ka jeediyay xafladda xubno kala duwan,
kuwaasoo ka hadlay ahmiyadda qalabkaan la guddoonsiiyay
Jaamacadda Muqdisho iyo sida loogu baahan yahay in laga
faa’iideysto.
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar
oo hadal halkaas ka jeediyay ayaa si weyn ugu nuuxnuuxsaday
howlaha waxbarashada ee Jaamacadda Muqdisho iyo sida ay u
daneynayeen inay helaan qalab noocan oo kale oo ah oo ka kaabaya
Jaamacadda dhanka waxbarasshada.
"Waxaa hubaal ah in Hay’adda MUSLIM AID – UK ay tahay hay’ad si
weyn u kaalmeysa bulshada Soomaaliyeed, isla markaana Wax weyn
ka qabatgay howlaha waxbarashada ee dalka, mana ahan markii ugu
horreysay oo ay Hay’addu qalab guddoonsiiso Jaamacadda Muqdisho"
ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Sheekh Axmed
Abuubakar oo intaas ku daray:
"Kaalamadan qiimaha leh ee ay MUSLIM AID – UK maanta
guddoonsiisay Jaamacadda Muqdisho waa mid aan aad iyo aad uga
mahadcelinayno Hay’addan, isla markaana aan u caddeynayno inaan
qalabkaan u adeegsan doonno sida sax ah, wixii ka soo baxana
waxaan horgeyn doonnaa Madaxda MUSLIM AID – UK, si aan u tusno
qalabkii ay noo keeneen inaan wax soo saar ku sameynay".
Dr. Cali Sheekh Axmed Abuukabar ayaa wuxuu ka hadlay
waxbarashada Jaamacadda Muqdisho wuxuuna sheegay in jaamacaddu
ay tahay mid u taagan mar walba inay horumariso waxbarashada
dalka, waxaana uu sheegay in qalabkaan ay ku heshay jaamacaddu
markii ay dibadda soo dhigtay waxqabadkeeda iyo sida ay wax u
barto dhallinta Soomaaliyeed ee xilligaan u helay fursadda inay
wax-bartaan.
"MUSLIM
AID – UK, ma ahan markii ugu horreysay oo ay qalab noocan oo
kale ah guddoonsiiso Jaamacadda Muqdisho, balse waxay horay u
guddoonsiisay jaamacadda Computerro iyo qalab kale, kuwaasoo ay
wax ku barteen dhallinyarada xilligaan ka qalin jabinaysa
jaamacadda gaar ahaan kulliyadda Computer Science, oo halkaan
aad ku arkaysaan intooda badan" ayuu yiri Dr. Cali Sheekh Axmed
Abuubakar.
Sidoo kale, waxaa xafladda hadal ka jeediyay Madaxa Hay’adda
MUSLIM AID – UK ee Somalia Axmed Cabdi Maxamed, wuxuuna si weyn
uga hadlay kaalmada ay MUSLIM AID – UK guddoonsiinayso
Jaamacadda Muqdisho, wuxuuna sheegay in qalabkaan ay ku
tabaruceen Jaamacadda uu ahaa midkii ugu badnaa ee ay bixiyeen.
Waxaa kaloo xafladda hadlay ka jeediyay ku xigeenka Madaxa
Qaybta waxbarashada ee Maxkamadaha Maxamed Cabdi Ibraahim
wuxuuna yiri: "Jaamacadda Muqdisho waa jaamacadda ugu soo wax-soo-saarka
badan dhanka waxbaridda Ardayda Soomaaliyeed, waxaana
caddeynayaa in ardaydii ay soo saartay Jaamacadda Muqdisho ay
yihiin kuwo haatan jooga dalka kana shaqeeya, waxayna isugu
jiraan Bachelor, Master iyo PHD Holder".
Xubnihii kale halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa; Guddoomiye ku
xigeenka Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Xasan Maxamed, Agaasimaha
Sanduuqa Gargaarka Afrika Al-ustaad Maxamed Axmed Beerreey,
Madaxa mashaariicda Jaamacadda Muqdisho Al-ustaad Abuubakar
Sheekh Bashiir iyo Farxiyo Cabdi Xasan oo ahayd gabar sannadkaan
ka qalinjabinaysa kulliyadda Computer Science ee Jaamacadda
Muqdisho, waxayna dhammaantood qireen inay Jaamacadda Muqdisho
ay tahay il ay ka waraabayaan Ardayda Soomaaliyeed ee baahida
weyn u qaba waxbarashada qaybaheeda kala duwan.
Dhanka kale; waxaa la dhagax dhigay maanta qayb cusub oo ka
tirsan Jaamacadda Muqdisho, qaybtaas oo noqon doonta qaybta
Human Resources-ka ee Jaamacadda, dhismahaas oo ka koobnaan
doona 2-dabaq oo is dul-saaran.
yaasiin
maxamed cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
002521-5580916
Xigasho:
SomaliTalk |