|
Ardey Soomaliyeed oo gaareysa 300 oo wax ka
barata dugsiga H/dhexe iyo sare ee Al-Bilaad
Arday dhan 300 ruux ayaa haatan waxbarasho aas-aasi iyo mid
gabogabo ahba waxa uu uga socdaa dugsiga H/dhexe iyo sare ee Al-bilaad
ee magaalada Muqdisho" Sidaasi waxaa yiri maamulaha Dugsigaas
Max'ed Axmed Macallin, ahna guddoomiye ku xigeenka Dalladda SAFE
Dugsiga
H/dhexe iyo Sare ee Al-bilaad ee magaalada Muqdisho waxaa la
aas-aasay sanadka markuu 2003dii bishii January, waxaana lagu
bilaabay arday waxoogaa arday ah, waxaana ka qalin jebiyay tan
iyo markii la aas-aasay labo dufcadood oo haatan wax ka barta
qaar ka mid ah jaaamacadaha Magaalada Muqdisho, qaar kalena ay
ku shaqeystaan xirfado kala duwan oo aas-aas u ah waxbarashadii
ay ka qaateen dugsiga Al-bilaad.
Maamulaha Dugsigaas Max'ed Axmed Macallin, ahna guddoomiye ku
xigeenka Dalladda SAFE oo maanta u warramayay koox wariyayaal ah
oo isugu jira qeybaha kala gedisan ee warbaahinta dalka ayaa
waxa uu u sheegay in haatan dugsigu uu yahay dugsiyada fara ku
tiriska ah ee tarbiyeeya arday aqoontoodu sarreyso, wuxuuna
aas-aas uga dhigay far barashada ama waxa loo yaqaano far
qurxinta oo arday shan sano jir ah uu ka mid ah ardayda
dugsigaasi wax ka dhigata una dhigma ardayda heerka dhexe sida
ay wax u qoraan si la mid ah wax u qoraya.
Maamulaha
Dugsiga Al-bilaad Md. Max'ed Axmed Macallin waxa uu sheegay in
labo maalmood ka hor uu maamulka Dugsiga soo gabagabeeyay
waxbarashada Dufacaddii labaad oo halkaasi lagu guddoonsiiyay
shahaadada waxbarashada sare 24 arday oo dhameystay waxbarashada
dugsiga sare, wuxuuna intaas ku daray mar uu ka hadlayay
xiriirka ka dhexeeya waalidiinta iyo maamulka dugsiga inuu yahay
mid wanaagsan, isla markaana uu dugsigu ku xiran yahay gacanta
waalidiinta.
Xigasho:
SomaliTalk
|