|
Maxaa Keenay Guuldarada Ardeyda Soomaaliyeed ee
Sweden.
Hordhac
Anigoo ah macalin wax ka dhiga dugsi ka mid ah dugiyada ay
ardayda somaaliyeed dhigtaan ee wadanka iswiidhan. Muddo
labaatan sanno ka badana ku dhexjirey arimaha waxbarashada,
ayaan baaritaan dheer ku sameeyey heerka waxbarashada ardayda
soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka iswiidhan. Gaar ahaan ardayda
dhigata dugsiyada hoose/dhexe iyo kuwa sare.
·
Waxaan la hadlay arday soomaaliyeed oo boqol kor u dhaafaya,
dhigtana dugsiyo kala duwan
·
Waxaan la hadlay macalimiin ardaydaas u dhiga maadooyin kala
duwan.
·
Waxaan la hadlay macalimiin soomaaliyeed oo iyaguna wax ka dhiga
dugsiyadaas kala duwan.
·
Waxaan la hadlay la taliyayaasha ardayda ee xagga waxbarashada
ee ku sugan dugsiyadaas.
·
Waxaan la kulmay waalidiin aad u fara badan.
Baaritaankaas waxaa iiga soo baxay in ardayda soomaaliyeed ay ka
mid yihiin kuwa ugu liita xagga tacliinta kolkii la garab dhigo
ardayda kale ee anjebiga ah iyo kuwa iswiidhishka ahba. Waxa aad
u yar ardayda dugsiga hoose/dhexe ka qaata shahaado buuxda oo ay
ku geli karaan dugsi sare.
Waxaa aad u badan ardayda soomaaliyed oo kolka ay fasalka la
qabsan waayaan iskoolkaba isaga taga ama inta badan ka maqnaada.
Ardayda soomaalidu waa kuwo badankood ku liita maadooyinka
muhiimka ah sida; xisaabta, luqada iswiidhishka, sayniska iyo
luqada ingiriiskaba. Marxaladaas ay ardeyda soomaaliyeed ku
sugan yihiin waa mid run ahaantii aad ii xanuujisay. Waana mid
dareen ku abuureysa qof kasta oo si wanaagsan u fekeraaya.
Waxaan maqaalkan idiinku soo bandhigayaa waxyaalaha aan u arko
iney lug ku leeyihiin guuldarada ku habsatey ardeyda
soomaaliyeed ee iswiidhan.
Qaabka waxbarashada wadanka oo aan la fahmin
Qaabka wax looga barto dugsiyada iswiidhan ayaa aad iyo aad uga
duwan kan soomaaliya. Wadankan iswwiidhan waxaa macalimiintu
xooga saaraan in ardaygu si guud u fahmo waxyaalaha iskoolka
laga dhigto. Balse ardayga iyo waalidkiis ayey u taal iney
faahfaahinta iyo waxii kale oo dheeraad ah raadsadaan. Waxaa
kaloo iyana dadka soomaaliyeed intooda badani aaney fahmin
doorka waalidku ku leeyahay habsami u socodka waxbarashada
ardayga.
Waalidku waxaa uu qaybweyn ka qaataa habka loo maamulo
waxbarashada ardayda. Ilaa 50% ( boqolkiiba konton ama ka badan)
waxaa la doonayaa in ardeyga iyo waalidkiisu ay guriga kusoo
shaqeeyaan. Waxaa iskoolku filanayaa in ardeyga uu arimaha loo
diray kala doodo waalidkiis, isla markaasna isaga oo diyaarsan
uu iskoolka kusoo noqdo. Arimahaan aan kor kusoo sheegnay,
waalidiinta soomaalida badankood kuma firfircoona. Taas waxaa
keeni kara arrimo badan oo ay ka mid yihiin: Waalidka oo aan
aqoon hore oo badan lahayn, waalidka oo aan si fiican u aqoon
luqada iswiidhishka, waalidka oo ay deganaansho laŕani hayso.
Tusaale ahaan waxaa uu doonayaa inuu meelkale u guuro iwm. Waxaa
kaloo dhici karta inaan waalidku fahamsaneyn dhaqanka
waxbarashada ee wadankan iswiidhan.
Waalidiinta badankood oo aan shaqo haysan.
Guud ahaan bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan iswiidhan
ayaa badankood ah kuwo aan wax shaqo ah haysan, balse ku nool
taakulaynta ay dowladu u fidiso. Arimaha keenay shaqo laŕantaas
ma aha mowduuca maqaalkan sidaas darteed halkan kuma faaleyn
doono. Waxaan keliya oo aan eegeynaa saameynta ay arintani ku
yeelan karto waxbarashada dhalaanka. Waa arin iska caadi ah in
dadku iska niyad xumaadaan kolkii ay shaqo wayaan. Walow ay
waalidiintu ku dadaalaan in arinkaasi aanu saameyn ku yeelan
waxbarashada ardayda. Haddana caruurtu waa kuwo ka warqaba
xaalada nololeed ee waalidkood. Maadaama uu waalidku yahay midka
ay ilmuhu ku kalsoon yihiin oo ay ku daydaan. Waxaa dhici karta
in jahwareerkaas iyo niyad jabka waalidiinta qaarkood haystaa uu
si dadban ugu gudbo caruurta iskooleyda ah. Halkaasna ay
caruurtii ku niyad jabaan.
Bulshada soomaaliyeed oo aan iskuduubnayn
Kala daadsanaanta ku habsatey bulshada soomaaliyeed meel ay
joogaanba, waxaa ay saameyn weyn ku yeelatay waxbarashadii
dhalaanka. Hadii ay jirto iskuduubni iyo naadiyo firfircoon
waxaa ay ardeydu heli lahaayeen talo siin , caawinaad xagga
maadooyinka ah iyo dhiiri gelin dheeraad ah. Walow ay jiraan
meelo aan badnayn oo arinkaas guul ka gaarey haddana bulshada
inteeda badan waa mid aad u kala qaybsan. Waxaa laga yaabaa in
aqoonyahan soomaali ahi uu bilaabo hawl ( project) uu ugu talo
galay inuu ku saacido ardayda soomaaliyeed ee aqoontoodu liidato.
Balse waxaa inta badan dhacda in aqoonyahankaasi waayo wax ka
faaěideysta howshaas uu bilaabay. Sababahaan soo socda ayaa
keeni kara in aan macalinkaas laga faaěideysan.
1.
Qabiilkiisa: Xagee ka soo jeedaa macalinku? Haddii macalinku
noqdo mid qabiil kale ah waxaa ay u badan tahay inaan wax arday
ah loo geysan. Sababtuna waa iska sahal in la fahmaa. Waxaa uu
waalidku oranayaa ” sidee ugu geystaa ilmo nin reer hebel ah”
iwm
2.
dhaqaale: Horta yaa macalinkaan lacagta siiya? Halhays aad
wadankaan looga yaqaan waxaa weeyaan: ” waxaa uu hebel doonayaa
inuu ilmahayga lacag ku cuno” Waxaan marna la isweydiin su
aasha ah: war ilmahaygu ninkaan/ macalinkaan wax maka baranayaan,
haduu rabo lacagba ha qaatee? Waxaan kaloo la isweydiin: War
xitaa hadduu macalinku lacag qaato, sow adiguba waalid ahaan
lacag ma bixin lahayn? Sow faaěido ma aha haddii lacagtii aad
bixin lahayd qolo kale bixiso.
Geediga badan ee soomaalida:
Dhaqankeenii reer guuraanimada waxaad moodaa inuu inala socda
xitaa haddii aan wadankeenii aad uga soo fogaaney. Dadka reer
guuraaga ahi mararka qaarkood waxaa ay guuraan iyaga oo xooluhu
doog iyo barwaaqo haystaan. Bal qiyaas akhristow sababta ay u
guuraan? Waxaa ay yiraahdaan: ” war reerka aan raro ( aan guurno)
meeshtan waa lagukala guureye”. Macnuhu waxaa weeye, reer cali
ayaa guurey, reer meygaag ayaa guurey, reer muxyadiin ayaa
guurey. Balse ma jiro qof isweydiinaya: Maxay u guureen dadkaasi?
Ma hal ujeedo ayey u guureen mise ujeedooyin kala duwan?
Dhaqankaasi run ahaantii waxaa uu jebiyey lafdhabartii aydayda
soomaaliyeed ee yurub iyo Ameerika.
Wadankan iswiidhan waxaa soomaalida aad u saameeyey laba nooc oo
geedi ah. Kan hore waxaa weeyaan iyadoo ay soomaalidu aad ugu
kala guuraan magaalooyinka wadanka dhexdiisa ah. Iyagoo oranaaya.
” war halkaas bey ka dilaacday oo roob fiicani ka dačy. Geediga
kale waxaa weeyaan iyadoo ay soomaalidu aad ugu guuraan wadamo
kale sida Ingiriiska, wadamada carabta iyo soomaaliya. Labdada
geediba waa kuwo dhib badan u keenay ardayda soomaaliyeed.
Geediga dalka gudihiisa ah:
Kolkii ardayga laga wado deegaan uu la qabsaday, waxaa ardayga
soo wajaha jahwareer badan. Jahwareerkaasi niyad jab iyo
kalsooni xumo ayuu ardeyga ku abuuraa. Bal qiyaas adigoo halmar
lagaa waday deegaankii aad taqaaney, macalimiintii aad taqaaney
adigana ku yaqaaney, asxaabtii aad taqaaney iwm. Imisa ayey
ardeyga ku qaadaneysaa inuu barto lana qabsado dabeecada
deegaanka cusub ee loo raray? Imisa ayey qaadaneysaa in
macalimiinta iskoolka cusubi bartaan ardayga. Inta ardeygu ku
jiro u kuurgelida iyo la qabsashada deegaanka cusub, waxaa ka
dhumaaya wakhti badan oo uu u adeegsan lahaa tacliintiisa. Waxaa
laga yaabaa in ardayda qaarkood ay sanad dugsiyeedka barkiis ku
qaadato inuu la qabsado iskoolkii. Imisa maado oo muhiim ah ayaa
dhaafaya ardayga?
Maadooyinkaas ma aanu seeggeen haddii loo deyn lahaa degaankii
uu yaqaaney.
Ardeyga keliya dhibtu ma gaareyso balse reerkii oo dhan ayaa ku
sugan jahwareer uu dhaliyey deegaanka cusubi.Halkaasna waxaa
ardaygu ku waayayaa caawinaadii uu ka heli jirey guriga.
Geediga dalka dibadiisa ah:
Marar badan geedigani waa ka dhib badan yahay kan dalka
gudihiisa ah, gaar ahaan kolka caruurta lala guurey ay yihiin
kuwo toban sano dhaafay. Taasi waxaa ay keentay in ardaygu
labada dhinacba seego. Waxaa aad iyo aad u yar fursada uu
ardayga guurey kula qabsan karo wadankaas uu tegey. Maxaa yeelay
ardaydu waxaa ay wax ku bartaan afka iswiidhishka, aqoontooda
luqadaha sida carabiga iyo ingiriiskuna aad buu u kooban yahay.
Waxaa khasab ah in dib u dhac badani ku yimaado ardaygaas guurey.
Taas ayaana keenta in waalidiin badani soo noqdaan kolkii
caruurtu la qabsan waayaan wadankii loo raray. Wakhtiyo badan
ayaan la kulmay ardeydaas soo noqday, waana run ahaantii kuwo
aad iyo aad u niyad jabsan. Wakhti dheer ayeyna qaadataa inuu
markale la qabsado waxbarashadii iskoolka. Waxaa quursada oo
hoose u eega ardaydii uu ka haray. Waa arin runtii dhibkeeda leh.
Talooyin iyo gebagabo.
Anigoo kaashanaaya khibradeyda macalinimo iyo howshaan oo aan ku
dhexjiro maalin walba waxaan soo jeedinayaa talooyinkan:
1.
In waalidiintu aad iyo aad ugu dadaalaan iney fahmaan dhaqanka
xagga waxbarashda ee dalkan iswiidhan. Maxaa yeelay nidaamka
tacliinta oo aad fahamtaa waxaa uu kuu sahlayaa inaad ilmahaaga
si wanaagsan u caawinto ulana socoto. Ingiriisku waa kuwa
yiraahda; ” understanding is half done” oo ay ula jeedaan
haddaad fahamto meesha wax loo wado waxaa sahlanaan karta inaad
xal hesho.
2.
Ineynu danta iyo mustaqbalka waxbarasho ee ilmaheena aan ka hor
marino wax walba oo kale. Waa inaan ilmaha haddii aaynaan guriga
ku caawin karin, u geynaa dadka macalimiinta/aqoonyahanka ah ee
soomaaliyeed. Waa in qofka waalidka ahi uu iska daayaa – reer
hebel waxba uma geysto iwm. Cilmiga iyo faaěidada waa inaan u
galaa meel walba.
3.
Waa inaan isku duubni muujinaa si aan guul u gaaro. Gacmo
wadajir bey wax ku gooyaan. Koox walba oo soomaali ah ee meel
degani ha isku dayeen iney u faaěideyaan ciyaalka. Qofka ama
labada qof ee kooxda ugu fiicani haka saacideen ardeyda
maadooyinkooda. Arinkas waxaa sameeya dadka kale ee anjebiga ah.
4.
Waa in waalidku aad u kordhiyaa xiriirka uu la leeyahay
macalinka iyo iskoolka ardeydu dhigtaan. Taasi waxaa ay kuu
sahleysaa inaad goor hore ogaato meelaha ardeygu ku liito iyo
waxyaalaha uu ku fiican yahayba.
5.
Waa in waalidiinta qaarkood ay ku biiraan gudiga waalidka ee
iskoolka. Gudigaasi waxaa ay saameyn weyn ku leeyihiin habka ay
tacliintu iskoolkaas uga socoto.
6.
Waa inaan aad uga fekeraa geediga laab la kaca ah ee aan
semeyneyno. Xitaa haddii aad guureysid, ka feker oo baaritaan ku
samee arinkaas. Waa inaad tagtaa meesha aad rabtid inaad u
guurto si aad baaritaan u soo sameysid ( Field study).
7.
Waa in ardayda la siiyaa abaal marin iyo dhiiri gelin si ay usii
wadaan howshooda waxbarasho.
8.
Waa inaan wakhti badan gelinaa caruurteena. Waa inaan wakhti
kasoo goynaa waxyaalaha maalaayacniga ah. Sida turubka, fadhi ku
dirirka iyo reer hebel xagee ku dameeyey iwm.
Waxaan aaminsanahay haddii arimahaas aan kor kusoo sheegay aan
yeelno inaan wax ka bedeli karno marxalada naxdinta leh ee ay
ardeydeenu ku sugan yihiin. Ilaahay ha inagu garab galo.- Aamiin.
C/risaq Maxamed Xuseen, Eskilstuna , Swdeden.
Email:
habdirisak@hotmail.com
Xigasho: SomaliTalk.com |