|
Siminaar lagu baranayay
culuumta kumbuyutarka oo lagu qabtay magaalada Marka
Marka - February 2007
Siminaar lagu
baranayay culuumta kumbutarka ayaa lagu qabtay xarunta IIDA ee
magaalada Marka, waxaana siminaarkani soo qabanqaabiyay hay'adda
AfriAfya, isla markaana suurtogelisay qaadashada casharrada.
Siminaarkan waxaa maalgelisay hay'adda Unicef.
Siminarkan oo
socday muddo shan maalmood ah ayaa casharrada lagu qaadanayay ay
ka mid ahaayeen barashada aasaasiga ah ee computer-ka sida
Windows, office, hardware, internetka, iwm. Waxaa siminaarkan
casharrada bixinayay ustaad Daa'uud Xasan Maxamed, waxaana
kalaaliyeyaal u ahaa Xasan iyo Siciid.
Siminaarkan
waxaa ka soo
qeybgalay wakiillo ka socday qaar ka mid ah NGO-yada magaalada
Marka, kuwaasoo la filayo in marka ay ku laabtaan meelihii ay ka
shaqeynayeen ay cilmigooga uga faa'ideeyaan.
Ujeeddooyinka
laga lahaa siminaarkan waxaa ka mid ah:
1. Inay is
bartaan, isla markaana iskaashi sameystaan xubnaha ka qeybgalay
siminaarkan.
2. In lagu
kobciyo aqoonta farsamada casriga ee xubnaha ka qeyb
Waxaa diyaariyay:
Daa'uud Xasan
Halkan ka
daawo sawirrada siminaarka.....Riix halkan |