Jaamacadaha Dalka

Amoud University

Alfurqan University

Benadir University

Burao University

East Africa University

Hamar University

Hargeisa University

Hiran University

Indian Ocean University

Islamic University

Kismayo University

Mogadishu University

Puntland State University

Somali University

Taibah University

SIMAD Institute

SOHDEC Institute

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Jaamacadaha aan website-yada lahayn waxaa loogu bishaareynaa in qiimo jaban loogu sameyn doono website dhameystiran. Fadlan la soo xiriir Somali Education.

Somali Education

Pakistan: Dhaqan iyo Dhaqaale

Dhaqaale

 Nolosha Pakistan waxay ka mid tahay kuwo ugu jaban qaaradda Aasiya. Ardeyga caadiga ah waxaa bishii ku filan lacag dhan $150 (boqol iyo konton doolar). Qiimaha cuntada iyo deegaanka waxaa ku baxda $100 (boqol doolar), waa haddii ardeygu dego deegaanka jaamacadda ama hoy ay dad kale wadaagayaan; hase yeeshee waxaa kaloo jira waxyaabo kale oo nolosha ardeyga lagama-maarmaan u ah sida dukaameysi, koobiyeyn casharada qaarkood, internet, gaari-raac, iwm; kuwaasoo marka laysku geeyo iyagana imanaya $50 (konton doolar). Way dhici kartaa ardey ay bishii ku baxdo kharash intaas ka badan amaba ka yar, hase yeeshee qiimaha aan kor ku soo xusnay waa kan hadduu ardeygu helo uu si ku filan ugu maareyn karo arrimihiisa maaliyadeed. 

 

 Dhaqan

 Dal walba wuxuu leeyahay dhaqan u gaar ah iyo waxyaabo muqaddas ah oo agtooda lama-taabtaan ka ah. Qodobada soo socda waxay ka mid yihiin waxyaabaha looga baahan yahay inuu la socdo ardeyga Pakistan yimaado, uuna ixtiraamo:

 Gaadiid-raacista

 Haddii aad raacayso gaadiidka dadweynaha si taxadar leh u fuul, ugana deg. Ma yara ardeyda Soomaaliyeed ee ay jilbuhu kaga murxeen markii ugu horreysay ee ay raacayeen baabuurtan, sababatuna waxay tahay iyadoo basaska qaarkood aan si qumaati ah loo joojin marka la fuulayo amaba laga degayo, sidaas darteedna waxaa qofka laga doonayaa inuu si xeeladeysan uga dago, haddii kalena uu kufayo.

 Tan kale basaska waaweyn waxaa loo qeybiyaa qeyb ragga iyo dumarka ah. Si kastoo uu boos uga bannaan yahay kursigeeda marnaba lagama yaabo inaad haweeney la fariisato. Qeybta haweenka waxaa laga yaabaa inuu kirishboygu kuu oggolaado inaad fariisato marka boos laga waayo qeybta ragga, hase yeeshee isla marka ay haweeney timaaddo waa inaad u soo banneysaa. Tan kale markaad basaska saaran tahay ee kuraastu buuxsanto waa inaad istaagtaa adigoo u jeesanaya dhanka kursiga.

 Dhanka tagsiyada iyo kuwa loo yaqaanno ‘rakshada’ oo ah nooc tagsiga u dhow intaadan fuulin iska hubi in waduhu yaqaanno meesha aad dooneyso ama aad adigu taqaano, maxaa yeelay Pakistantu caadoba uma laha inay ku yiraahdaan ‘meeshaasi ma aqaanno’. Koox ardey Soomaaliyeed ayaa maalin ku tijaabisay nin wade ka ah tagsi, iyagoo ku yiri “ma taqaannaa Bakara Market”, markaasuu Pakistanigii yiri “haa”. Waa dhaqan ay leeyihiin wadayaasha tagsiyada in meelaysan aqoon ay sheegtaan inay yaqaannaan, hase yeeshee kadib markay ku war-wareejiyaan ayay muran lacagtii kaaga qaadanayaan.

Dukaameysiga

 Haddii aad dooneyso inaad xorowdo waxaa habboon inaad isku daydo sidii aad magaalada u baran lahayd waayo ma heleysid cid maalin kasta kuu dan la’ oo meel kasta kuu raaci karta. Waxyaabaha muhiim ka ah inaad barato waxaa ka mid ah qiimayaasha lacagta iyo waxa af Urdu-ga lagu yiraahdo. Haddii aad dooneyso inaad gacantaada ku tilmaanto tirada 5 (shan), marnaba ha adeegsan inaad shantaada farood iyo calaacasha u soo taagto adigoo muujinaya tirada shan, waayo waxaa dhaqan ahaan ay Pakistantu u yaqaannaan aflagaaddo oo waxay ka dhigan tahay sidii qof la leeyahay shan lacnadood baa kugu taalla.

Aragtida caalamiga ah ee ah in shisheeyuhu lacag badan barkan yihiin waa mid ka jirta Pakistan oo ganacsatada qaarkood waxay isku dayayaan inay qiime sare kuu istaagaan, iyadoo wax-gorgorintoodu aysan la mid ahayn tan Soomaalida oo aan ka fogeyn qiimaha kama-dambeysta ah ee sheygaas. Hase yeeshee waxaa laga yaabaa inay marka hore kuu istaagaan qiimo ku saddex jibaarma inta ugu dambeynta ay kaa siin doonaan isla sheygaas. Sidaasi darteed haddaad dooneyso inaad Pakistan ku noolaato waa inaad gorgorinta si wanaagsan u barataa.

 

Arrimaha diinta

 Shacabka Pakistan oo gaaraya illaa 149 milyan, waxay isugu jiraan 97% muslimiin ah, 2% kirishtaan ah, iyo 1% Hindu ah. Muslimiintu waxay u sii kala baxaan 77% Sunniyiin ah iyo 20% Shiico ah. Khilaaf aan yareyn ayaan ka dhex oogan Sunniyiinta iyo Shiicada Pakistan. Wax kaleba daaye, Sunniyiinta ayaa gudaheeda u sii kala qeybsama illaa tobaneeyo kooxood oo aan badankood salaadda isla tukan. Qolo waliba waxay leedahay masaajiddo u gaar ah oo calaamadahooda lagu garto.

 Sidaasi darteed waxaa ardeyga Soomaaliyeed u habboon inuusan fara-gashan arrimaha diineed ee Pakistan, isla markaana uusan kooxna ku sheegin inay khaldan yihiin, maxaa yeelay iyagii dalka u dhashay ayaan ereyadaas ku dhici karin. Marka la sheegayo magaca ‘Shiicada’ waxay Soomaalida Pakistan adeegsadaan ereyga ‘Dhagaxle’oo sarbeeb ahaan iyaga loola jeedo, una taagan dhagaxa ay wajiga saartaan kolkay tukanayaan, maadaama haddii ereryga Shiico la adeegsado ay dareemayaan in iyaga wax laga sheegayo.

 Muslimiinta Pakistan waa kuwo ixtiraama waxyaabo badan oo aan Soomaaliga caadi ah waxba la ahayn. Marnaba lagama yaabo in Pakistani Muslim ah uu kuu nadiifiyo gurigaaga, gaar ahaan musqulaha, iwm, si kastoo uu u baahan yahay. Shaqadaasi waxaa iska leh kirishtaanka oo fursadda shaqo ee ugu badan ee ay dalka ka helaan ay tahay nadaafadda. Sidaasi darteed marnaba Pakistani Muslim ah ha ugu yeeran inuu musqul/suuli kuu nadiifiyo.

Qoraalkii Hore                                               Qoraalka Xiga 

WQ. Axmed Ugaas

Tifaftiraha Somali Education

 Warbixino muhiim ah

Sidee loo xushaa kulliyad, jaamacad, iyo dalka aad wax ka baraneyso? (akhri)
 

Maxaa ardeyga muhiim u ah marka uu u dhoofayo dalka dibeddiisa? (akhri)
 


Sidee wax looga baran karaa dalalkan?

Sidee wax looga baran karaa dalka Suudaan? (akhri)

Sidee wax looga baran karaa dalka Malaysiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Pakistan? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Masar? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Hindiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Urdun? (akhri)

 

Sidee wax looga baran karaa dalka Yemen? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Uganda? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Ruushka? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Shiinaha? (akhri)
 

Contact: somaliedu@yahoo.com
Designed & Hosted by AfroTech