|
Dhibaatooyinka Ardeyda Soomaaliyeed kala kulmaan Pakistan
Dhibaatooyin aan yareyn ayay la
kulmaan ardeyda Soomaaliyeed ee Pakistan waxbarashada u soo
raadsata, kuwaasoo si weyn uga soo ifbaxay daarasad bilihii
November iyo December ee 2002dii aan ku sameynay
ardeyda wax ka barata Pakistan. Waxaa dhibaatooyinkaasi ka mid
ah:
Luqadda
Ingiriiska
Dhibaatada
ugu weyn ee ay la kulmaan ardeyda Soomaaliyeed ee Pakistan
waxbarashada u soo raadsata waxay tahay mid la xiriirsan aqoonta
ay u leeyihiin luqadda Ingiriiska. Ardeydii darasaadda lagu
sameeyay celcelis ahaan 39% unbaa Ingiriisi ku soo qaadatay
dugsigoodii sare, halka 34% ay Carabi ku soo qaateen, iyadoo 27%
ka mid ahna ay Af-Soomaali ku soo qaateen. Xitaa intooda
Ingiriisi horay u taqaanay illaa 16% kaliya ayaa ingiriiskoodu
sarreeyay, halka 84% ay u baahdeen inay koorsooyin luqadda ah
qaataan ka hor intaysan fasal fariisan halka qaarkoodna ay ka
garab wadayeen waxbarashada jaamacadda illaa sanadka 3aad.
Ardey
Soomaali ah oo waxabarashadiisa illaa dugsiga sare ku soo qaatay
dalka Imaaraadka ayaa helay kulliyadda maamulka ee mid ka mid ah
jaamacadaha Pakistan. Siduu ii sheegay ardey kale oo la socday,
wuxuu ardeygaasi awoodi waayay inuu Ingiriisi ugu warceliyo
Guddoomiyihii kulliyaddaas oo yiri (haddii aad Ingiriis heerkan
ka joogto sideed ku wadi kartaa jaamacadda). Natiijada ka
dhalatay luqadda oo lagu liito waxay noqotay in ardeydii in yar
ka soo fahmaan casharkii, markay buuggii tixraaca ula soo
noqdaana inta ay ka weeleyn karaan waa mid yar. Markay timaaddo
in imtixaankii wax la qorana way yar tahay inta awoodi karta
inay luqadda siday rabaan u adeegsadaan oo waxay fahamsan yihiin
si saani ah ugu cabiraan.
Dugsi sare oo aan laga soo
bixin
Dhibaatooyinka kale ee ay ardeyda
qaar muteen ayaa waxaa ka mid ah inaysan waxbarasho aasaasi ah
soo arag, gaar ahaan tii dugsiga sare. Intii ka qeyb gashay
daraasadda lagu sameeyay ardeyda Soomaaliyeed ee Pakistan,
qiyaastii 27% ayaanan dugsi sare ka soo bixin (Xitaa marka la
tixgeliyo dugsiyada dalka dib uga furmay burburkii kadib).
Ardeydaasi dhibaatooyinka ay muteen waxaa ka mid ah in badanaa
waxyaabaha jaamacadda lagu baranayaa ay xiriir la leeyihiin
maaddooyinka lagu soo qaato dugsiyada aasaasiga ah iyo weliba
kan sare oo ay ka soo tallaabeen.
Ardey
Soomaaliyeed oo aan weligiisba iskuul rasmi ah soo marin ayaa
kulliyadda dhaqaalaha loo soo xareeyay. Markuu jaamacaddii soo
xaadiray ayaa yaab iyo indha-taag ka soo haray. Maalintii markuu
soo rawaxay ayaa laga wareystay bal wuxuu maanta kala soo kulmay
fasalkii uu xaadiray, markaasuu yiri hadalkan: “Macallimad baa
soo gashay, wax bay xarxariiqday, sidaan u sugayay oo aan u
lahaa goormay wax yeerin doontaa ayaa laygu yiri waaba
dhammaatay xiisaddii. Intay xiisaddu socotay nin i ag fadhiyay
qalinka maba uusan dhigin marna. Waxaan is lahaa muxuu qorayaa
go’i waayuhu. Macallimaddu ‘graph’ unbay nagu waashay. Iyadaan
uga tagay jaamacaddiiye waxay ka heshay leedahay!!”. Wiilkii
siduu buu jamaacaddii kaga tegay.
Ka
sokow kuwa dugsiga sare aanan soo marin, intii xitaa dugsiga
sare ka soo baxday intooda badan waxaa ku dhacay kala-go’
dhinaca waxbarashada ah. Celcelis ahaan ardeyda ugu nasiibka
badan ayaa jaamacadda billawday 4 sano kadib markay iskuulka
sare ka baxeen.
Cimilada
Guud
ahaan Pakistan inta u dhaxeysa bilaha December-Febraayo qabow
daran ayaa ka jira, haba ku sii kala darnaado deegaanada’ e.
Xilliga kuleylkuna wuxuu socdaa April illaa September. Qabowgu
wuxuu meelaha qaarkood gaaraa heerka baraf cirka ka soo daato,
halka kuleylku deegaannada qaarkood ka tallaabo 50 darajo
celcius.
Ardeydii
daraasadda lagu sameeyay 64% ka mid ah dhibaatooyin ayay kala
kulmeen cimilada dalka Pakistan.
Dhaqanka
Walow
dadweynaha Pakistan 97% ay Muslimiin yihiin, haddana farqi aad u
weyn oo dhanka dhaqanka ah ayaa u dhexeeya iyaga iyo Soomaalida.
Caadiyan dhaqanka Pakistanta iyo kan Hindida lama kala sooci
karo oo ka hor 1947dii waxay ahaayeen ummad kaliya. Ardeyda
Soomaaliyeed ee daraasadda ka qeyb gashay illaa 48% ka mid ah
ayaa dhibaato kala kulantay siday ula qabsan lahaayeen dhaqanka
Pakistan.
Cuntada
Dal walba wuxuu leeyahay
cuntooyin u gaar ah oo ay dadkiisu xiiseeyaan. Dalka Pakistan
waxay dhaqan u leeyihiin inay saddexda waqtiba cunaan rooti
iyadoo la kala bedbeddelayo waxa lagu qooshayo, waxaana inta
badan cuntadoodana aad loogu daraa basbaaska. Hase yeeshee
ardeyda Soomaaliyeed qiyaas ahaan 57% ayaa dhibaatooyin kala
kulantay cuntada, gaar ahaan markay timaaddo inay wax ka cunaan
makhaayadaha iyo deegaannada jaamacaddu leedahay. Sidaas
aawadeed waxay in badan ku qasbanaadeen inay cuntadooda iyagu
sameystaan. Qiyaas ahaan ardeydii daraasadda lagu sameeyay 92.5%
ka mid ah ayaa taqaanna sida cuntada loo kariyo, kuwaasoo 52% ka
mid ah ay barteen kadib markay Pakistan yimaadeen.
Soo-jeedinta khudbadaha
Dugsiyada Soomaalida, kuwa hadda
jira iyo kuwii horeba, way ku yarayd in ardeyda lagu tababaro
sida khudbadaha looga soo jeediyo ardeyda horteeda, marka la
barbardhigo sida ardeyda Pakistan loogu ababiyo. Waxaa laysla
qiray in ardeyda Soomaaliyeed ee jaamacadaha gashaa ay qabaan
fagaaro-ka-nax markay timaaddo inay wax ka soo jeedinayaan
ardeyda horteeda. Intii daraasadda ka qeyb gashay 68% ka mid ah
dhibaato ayay kala kulmeen arrintan. Halka ardeyda Pakistanta ee
ay isku fasalka yihiin, rag iyo dumarba, aysan waxba u arkin
hadday wax u jeedinayaan kow mise kun qof.
Macluumaadka dalka Soomaalida
Inkastoo
aan daraasad rasmi ah lagu sameyn, haddana waxaa la qiyaasi
karaa in shacabka Soomaaliyeed ay ka mid yihiin bulshooyinka
caalamka ugu macluumaadka badan, gaar ahaan marka ay timaaddo
arrimaha siyaasadda caalamka, joqoraafiga, taariikhda, iwm.
Xitaa Soomaaliga aan wax qorin, akhrin karina, waxaa maskaxdiisa
ku keydsan macluumaad badan. Walow laga yaabo inaan ku
khaldanahay, haddana aragtideyda waxaan is leeyahay dhagaysiga
badan ee idaacadaha ayaa qeyb weyn ka qaatay in Soomaalidu la
socoto waxa caalamka ka soconaya.
Hase yeeshee macluumaadkaas wax
weyn kuma fadhiyaan, oo Soomaalidu waxay badankood ka arradan
yihiin macluumaadka dalkooda ku saabsan. Dhallinyarada aan arkay
ee heerka jaamacadeed maraya mid kastaaba way u fududahay inuu
kuu taxo xog badan oo dalal shisheeye ku saabsan, haddii aad
weydiiso intaas in la eg oo Soomaalida khuseysana uusan kuu
sheegi karin. Inkastoo dadka ka faallooda arrimaha waxbarashada
ay ku tilmaameen manhajkii xukuumaddii xakuumaddii Kacaanku
dejisay inuu ka mid ahaa kuwa ugu wanaagsan Afrika amaba dalalka
Jaamacadda Carabta, haddana dhanka kale waxaa la dareemi karay
inaan qeyb weyn la siin Daraasaadka Soomaalida, marka la
barbardhigo intii maaddada Kacaanka looga qoolay manhajka. Kuwa
ka soo baxay dugsiyada dalka dib looga furayna waxaaba la moodaa
inay ka sii nasiib hooseeyaan oo juquraafiga iyo taariikhda
dalal shisheeye ayaa intooda badan loo soo akhriyay. Ardeyda
Soomaaliyeed ee Pakistan timaadda waxay si fiican u bartaan
ninkii Pakistan soo gooyay, Maxamed Cali Jinaax; halka kuwa
Sudan wax ku bartana waxaa la baraa taariikhda Mahdigii Sudan,
halka ardeyda Soomaaliyeed ee taqaanna meesha iyo sanadka uu
dhashay iyo sanadka uu geeriyooday Allaha u naxariistee Sayid
Maxamed C/lle Xasan ay aad u yar yihiin.
Si ka duwan Soomaalida, ardeyda u
dhalatay Pakistan waxay illaa iyo xad yaqaannaan taariikhda iyo
joqoraafiga dalkooda, sidooda badana tan caalamkana maba soo
rogtaan. Maalin maalmaha ka mid ah ayaan bas isla soo raacnay
aniga nin kale oo Soomaali ah. Markaan baabuurkii in cabbaar ah
saarneyn ayaa ardey Pakistani ah oo ii sheegay inuu dugsi sare
dhammeeyay uu i weydiiyay dalka aan ka imid, waxaan ugu jawaabay
“waxaan ka imid Afrika”, isla su’aashii ayuu weydiiyay
Soomaaligii ila socday, wuxuuna ugu jawaabay “waxaan ka imid
Soomaaliya”. Ardeygii Pakistaniga ahaa oo inuu yaabban yahay
wejigiisa laga akhrisan karo ayaa i weydiiyay “maxaa dhacay
adiga waxaad ka timid Afrika, saaxiibkaana wuxuu ka yimid
Soomaaliya, labadiinana waad isku eg tihiin?!!”. Waxaan ku iri
“ma taqaannaa farqiga u dhexeeya Aasiya iyo Pakistan?”,
markaasuu la soo booday “haa waan aqaannaa, oo Pakistan waa
Muslim, Aasiyana waa Kirishtaan”. Markaan arkay inay heerkaas ka
joogto ayaa ku iri “anagana waa sidoo kale”.
Wax-akhrin
la’aan
Sida la wada ogsoon yahay
bulshada Soomaaliyeed waxaa lagu tilmaamaa inay tahay mid
hadalka quudata, waxqoridda iyo akhriskana lagu dhibay. Ardey
Soomaaliyeed oo sanadkii 1998dii jaamacad ka
billaabay mid ka mid ah jaamacadaha Pakistan ayaa ii sheegay in
markii ay waxbarashada billaabeen aysan akhrin jirin boorka lagu
soo dhajiyo ogeysiisyada kulliyaddiisa. Waxaa dhacday in
ogeysiis ardeyda shisheeyaha khuseeya lagu soo dhajiyay boorka,
kaasoo faraya inay dokumintiyo laga doonayo ku soo xareeyaan
muddo go’an. Maamulka kulliyadda waqtigii ayay u kordhiyeen oo
ogeysiis kale ayaa loo soo dhajiyay oo loogu sheegayo in hadday
muddadaas ku soo gudbin waayaan lagala noqon doono
oggolaanshihii ay jaamacaddu siisay. Nasiib wanaag, maalintii
ugu dambeysay ayaa goor ay fasal ka soo baxeen uu midkood eegay
boorkii. Markii ayay kala ordeen oo maalintiiba xareeyeen.
Ad-adeyga
Soomaalida
Dadka
u dhabba-gala dhaqanka Soomaalida waxay sheegaan in bulshada
Soomaaliyeed uusan carrabkeedu u leylisneyn inay joogteeyaan
ereyada ‘waad mahadsan tahay, fadlan, raalli ahow, waan ka
xumahay, mudane, marwo, iwm’, waxaana Soomaalida badankeed lagu
tilmaamaa inay yihiin kuwa saraaxad badan oo aan aqoon waxa afka
Carabiga lagu yiraahdo ‘mujaamalada’.
Sida
ay qoraan buugaagta ka hadasha cilmiga dhaqamada dadyowga
caalamka, Aasiyaanka waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin dad aad u
jecel hadal jilicsan, ammaan iyo mahadnaq. Naasiibdarro, ardeyda
Soomaaliyeed waxaa muuqata inaysan weli si weyn u tixgelineyn
dhaqanka dadka ay la nool yihiin. Horraantii sanadkii 2002dii,
jaamacadda Karachi University ayaa ku soo rogtay ardeyda
shisheeyaha inay bixiyaan lacag aad uga badan tan ardeyda
Pakistanta oo ay markii hore isku qiimo bixin jireen.
Dadaal
weyn ayay sameeyeen mas’uuliyiinta safaaradda Soomaalida ee
Islamabad sidii ardeyda Soomaaliyeed loogu naxariisan lahaa,
loogana qaadi lahaa qiimihii ay markii hore bixin jireen. Arshad
oo ahaa tan iyo xukuumaddii militeriga qunsul-sharafeedka
Soomaaliya u joogo magaalada Karachi, illaa iyo haddana
magacaasi wata, ayaa dadaal weyn galay, isagoo cabashada ardeyda
Soomaaliyeed gaarsiiyay illaa guddoomiyaha gobolka ay magaalada
Karachi xarunta u tahay. Nasiib wanaag, mas’uuliyiinta
safaaradda iyo qunsulkaba waxay ku guuleysteen in marka laga
reebo ardeyda sanadka 2002 jaamacadda billaabaysa in inta kale
laga qaado lacagtii hore oo la mid ah tan ardeyda Pakistanta,
halka ardeyda cusubna ay bixiyaan qiimaha cusub maadaama ardeyda
cusub ay ka wareegsan karaan jaamacaddaas. Ka sokow qaddarta
Eebe, dadaalka qunsulka, oo safka hore kaga jiray dadaalkaas,
waxaa ardeyda Soomaalida ugu badbaadday lacag marka laysku geeyo
kor u dhaafaysa illaa $30,000 (soddon kun oo doolar), iyadoo
ardeyda qaarkood ay qarka u saarnaayeen inay waxbarashadooda
halkaas ku joojiyaan maadaama aysan awood u lahayn lacagtaas.
Qunsulkii intii baraamijkan lagu jiray lagu dhibay booqashada
iyo taleefoonkaba, maalintii loo oggoladay ayaa ugu dambeysay in
lala xiriiro, iskaba daa in loo mahad celiyee. Waxaa lays
weydiin karaa malaha ma waxaa loo tegi doonaa marka arrin kale
looga baahdo?.
Qoraalkii Hore
Qoraalka Xiga
WQ. Axmed Ugaas
Tifaftiraha Somali Education |