|
Talooyin
Luqadda
Ingiriiska
Ardeyda
dooneysa inay dalka Pakistan waxbarasho u soo raadsadaan waa
inay luqadda Ingiriiska iska soo dhisaan illaa heer jaamacadeed
ka hor intaysan iman Pakistan. Ardeydii daraasadda ka qeyb
gashay oo la weydiiyay wixii ay kula talin lahaayeen ardeyda
Soomaaliyeed ee jamaacad Pakistan ka dooneysa, waxay 100% ka
mideysnaayeen talada ah in ardeydu iska soo dhisaan luqadda
Ingiriiska. Dadka qaarkood waxaa ka dhaadhacsan fikrad ah in
marka Pakistan la yimaado la iska dhisi doonaa Ingiriiska, hase
yeeshee waxaa laysla qiray in ardeydii timid iyagoo heerka
Inigiriiskoodu hooseeyo uusan sidii la rabay sare ugu kicin,
sababta ugu weynina waxay tahay iyadoo la moodo in waqtigu aad
ugu xawaare badan yahay dalka dibeddiisa, waxaana la arkayaa
iyadoo uu sanad dhammaaday, wax isbddel weyn ahna uusan qofkii
dareemin.
Aasaaska
hoose
Waa inuu ardeygu iska soo dhisaa
aasaaska hoose. Kulliyad kasta oo ardeygu jecel yahay inuu galo
xisaabtu waa lagama-maarmaan. Sidoo kale ardeygu kulliyadda uu
gelayo waa inuu maaddooyinka furaha u ah wax ka yaqaannaa.
Taladan waxay ahayd tii 2aad ee ugu badneyd ee
ardeydii daraasadda ka qeyb gashay ay soo bandhigeen. Talo
wanaagsan ayaa ah in ardeyda jaamacadaha dooneysa ay
af-Ingiriisi ku soo qaataan koorsooyin gaaban oo khuseeya
maaddooyinka aasaasiga u ah kulliyadda ay doonayaan inay gelaan.
Xirfadda
la baranayo
Waa in ardeygu fikrad ka haystaa
kulliyadda uu gelaayo iyo waxa uu ku qaban doono hadduu
dhammeeyo. Markuu waxbarashada billaabana waa inuu ku
kalsoonaadaa in maaddada uu baranayo ay tahay tan ugu wanaagsan.
Inta badan jaamacadaha adduunka waxay macallimiinta xariifka ah
maaddada ay dhigayaan u sawiraan inay tahay midda ugu muhiimsan
adduunka, la’aanteedna noloshu jiri karin.
Haddii lagu weydiiyo yaa karti
iyo garasho badan dhaqtarka daweeya xoolaha/geedaha iyo kan
daweeya bini’aadamka maxaad ku jawaabi lahayd? Waxaa la qiyaasi
karaa in dadka badankiis ay ku jawaabi lahaayeen waxaa garasho
badan kan dadka daweeya. Hase yeeshee ardey shahaadada master-ka
ku qaatay cilmiga beeraha ayaa ii sheegay in markii uu
billaabayay kulliyaddaasi uu macallinkii ugu horreeyey u sheegay
in dhaqtarka daweeya xoolaha iyo geedaha uu ka garasho badan
yahay kan bini’aadamka daweeya, waayo ayuu yiri qofka ka
shaqeeya caafimaadka xoolaha iyo geedaha waa qof shaqadiisu la
xiriirto noolayaal aan caqli lahayn. Geedka mise neefku suurto
gal uma aha inuu ereyo kugula hadlo, xanuunka hayana kuu sheego,
halka aadanuhu uu kuu sheegan karo meesha laga hayo iyo sida loo
hayaba, taasoo fure u noqon karta dhaqtarka. Sidaasi darteed
ayaa dhaqtarka xoolaha iyo geedahaba looga baahan yahay garasho
dheeri ah oo ah in noolayaashaas aan caqliga lahayni uu garto
baahidooda iyo dareenkoodaba. Haddii dooddan maan-galka ah la
fiiriyo, waxaa noo soo baxaysa in ardeyga bartaa xannaanada
xoolaha mise cilmiga beeraha uu ka heer sarreeyo kan barta
daweynta aadanaha. Sidaasi ayaa looga baahan yahay in ardeygu
aamino in maaddada u baranayo tahay tan ugu muhiimsan caalamka.
La-talinta ardeyda
Inkastoo dalka Soomaalida aysan
ka jirin dad ku shaqeysta xirafada la-talinta ardeyda aqoonta
jaamacadeed raadsaneysa (college counseling), haddana dalka
Soomaaliyeed dad wax yaqaanna kuma yara oo booskaas dabooli kara.
Aragti fiican ayaa ah in dugsiyada dalka dib uga furmay ay ugu
yaraan macallimiinta ugu waaya-aragsan u xil-saaraan inay la
taliyaan ardeyda dugsigooda ka baxday ee waxbarashada
jaamacadeed raadsaneysa. Sidoo kale jaamacadaha dalka ka furan
waxay iyaguna fursadda la-talinta siin karaan ardeyda
jaamacaddooda galeysa iyo kuwa dalka ka baxayaba.
Dadaal,
adkeysi, go’aan, iyo dulqaad
Muhiimaddu
maaha in kolka ardeygu yimaado Pakistan ay intaas kaga egtahay,
uuna gaaray hadafkiisii. Waa inuu ogaadaa inuu waa cusub u
baryay, waana inuu la yimaadaa dadaal dheerad ah. Waa inuu u
dhabar-adeygaa duruufaha adag ee soo waajaha xag dhaqaale,
cimilo, hurdo-la’aan, iwm. Waa inaysan xiiso ka ahayn ee ay
go’aan ka tahay inuu waxbarto, waayo horaa loo yiri “xiiso iyo
xumbaba way dhacaan”.
Dhaqaalaha
Ma
yara dhibka uu mudan karo qofkay Aasiya wax la’aan ku hesho. Ma
jiro qof aad shaxaaddo, mana jiro qoys loo soo martin karo,
dadku dhammaantood waa ardey aan wax is dhaamin. Taladan oo ka
mid ahayd kuwii ay ardeydii daraasadda ka qeyb gashay ay soo
jeediyeen waxay ku sheegeen inay habboon tahay in ardeygu uu ku
tiirsanaado meel uu isku hubo, balse uusan ku soo kicin
ballanqaad aan afka baarkiisa dhaafsiineyn.
Macluumaad
ku saabsan dalka Soomaalida
Waxaa
aad u wanaagsan in ardeygu macluumaad ku filan ka haysto
dalkiisa iyo dadkiisa. Dugsiyada dalka dib uga furmay waxaa
habboon inay maaddo u gaar yeelaan ‘Daraasaadka Soomaalida’,
ardeygana waxaa looga baahan yahay inuu dadaal sameeyo, oo uu
baaro buugaagta ka hadasha arrimaha Soomaalida. Shakhsi ahaan
waxaan baahidan dareemayay in muddo ahba, waana tan igu dhalisay
inaan soo saaro buugga aan ugu magac daray (Keydka Aqoonta:
Wehelka Ardeyga) oo aan intii karaankeyga ah ku uruuriyay
macluumaad Soomaalida khuseeya iyo kuwo caalami ahba qaab kooban
oo ay da’yartu xiiseyn karaan. Waxaana ku rajo weynahay hadduu
Alle idmo in koboca buuggaasi uu joogto noqdo.
Soo-jeedinta
khudbadaha
Soo-jeedinta
khudbadaha waa wax ku xiran illaa heerka qofku isku tababaro. La
yaab ma laha in marka ugu horreysa uu qofku ka argagaxo inuu
dadka soo hor istaago, hase yeeshee haddii qofku waqti siiyo
wuxuu gaari karaa heer uusan wax cabsi ah dareemeyn.
Talooyinka
ugu wanaagsan ee qofku ku tababaran karo waa inuu soo-jeedinta
khudbadaha ku tijaabiyaa saaxiibadiis ka hor intaanu hor tegin
dadweynaha. Fannaaniinta caanka ah waxay iyaguba soo mareen heer
ay ka cabsan jireen inay dadka soo hor istaagaan. Fannaan
waayo-arag ah ayaa ii sheegay in ka hor intaysan masraxa soo
istaagin ay ku soo tababaran jireen kuraas maran horteeda. Si
tartiib-tartiib ah ayaa kuraasta loo soo buuxinayaa illaa heer
ay caadi wax kasta la noqdaan.
Ilaali
ammaankaaga
Is-ammaanba
haynaga ahaatee, Soomaalidu waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin
kuwo laab furan oo aan shaki badneyn. Waxaa habboon in ardeygu
si taxadar leh ugu noolaado dalka uu ku sugan yahay. Taasi
micnaheedu maaha in laga shakiyo dadkoo idil, laakiin dadaalku
waa wax lays faray.
Siduu
ii sheegay qof goob-joog ahaa, kana tirsan ragga ugu muhiimsan
Guddiga Soomaalida Pakistan, guri qoys Soomaali ahi leeyihiin oo
ku yaalla magaalada Islamabad ayaa waxaa goor habeen ah soo
weeraray ciidanka la dagaallama maandooriyaha, iyadoo isla
markaasi ay daawanayeen taleefishin. Ciidankii markii ay soo
galeenba waxay baaris adag ugu dhaqaaqeen gurigii. In muddo ah
markii ay wadeen, waxna ay ka waayeen ayaa ninkii ciidanka watay
uu la hadlay raggii guriga joogay, wuxuuna ku yiri “waan ka
xunnahay inaan idin dhibnay, hase yeeshee waajibkeena ayaanu
gudaneynay. Waxaan ahay taliyaha ciidanka la-daggaallanka
maandooriyaha, waa kan kaarkayga oo aad ka heli kartaan
cinwaankayga”. Maalmo kadib ayaa koox guddi Soomaali ah ay
xafiiskiisa ugu tageen, wuxuuna u sheegay sheekadan:
‘Run
ahaantii waxaad tihiin dad fiican, illaa iyo haddana wax dambi
idinkuma hayno, hase yeeshee waxaan idiin sheegayaa inaad ka
digtoonaataan dadka aad xiriirka la leedihiin. Waxaa jira nin
aanu baadigoob ugu jirnay oo ku shaqo leh arrimaha maandooriyaha,
taleefoonkiisa gacanta ayaa dhowr mar la soo hadlay taleefoonka
gurigaas aan habeenkii tagnay. Haddaba waa inaad ka fogaataan
dadka noocaas oo kale ah.” Guddigii waxay la sii sheekeysteen
taliyihii oo ay weydiiyeen bal siduu Soomaalida u arko, wuxuuna
yiri “Waxaad tihiin dad aad u socod badan. Waxaa jira labo
ilaaliye oo labo jid la kala dhigay, mid walbaaba wuxuu diiwaan
geliyaa dadka gurigaasi galay iyo dharka ay xirnaayeen, waxaana
la yaab noqotay inay keenaan dad ay isku dhow yihiin dharka ay
xiran yihiin, taasina waxaan dib ka ogaannay inuu gurigu
leeyahay labo albaab,h. Qofka Soomaaliga ah waxaa laga yaabaa
inuu saacad gudaheed isku maro dhowr xaafadood, dhab ahaantiina
waxaa nooga kiin lumay waqti”.
Wasiirkii
hore ee arrimaha gudaha ee dowladdii Musharraf ee xilka
wareejisay October 2002, Mucinuddiin Xaydar, ayaa dabayaaqadii
sanadkii 2002dii wax laga weydiiyay dadka shisheeyaha
ah ee ku dhaqan Pakistan. Mar uu Soomaalida ku nool Pakistan ka
hadlayay wuxuu yiri: “Soomaalidu ammaan ahaan dhib naguma hayaan,
oo kaliya xilli xun ayay socdaan”. Muciinuddiin Xaydar oo ah
jeneraal howl-gab ah, muddo toban sano ku dhow ayuu magaalada
Muqdisho ku noolaa, isagoo ahaa u-qeybsanaha arrimaha militeriga
ee safaaraddii ay Pakistan ku lahayd Soomaaliya, waxaana
magaalada Muqdisho ku dhashay qaar ka mid ah carruurtiisa.
Waqtigan la joogaba uguma sii jirto in qofku ku dadaalo
ammaankiisa.
Qoraalkii Hore
WQ. Axmed Ugaas
Tifaftiraha Somali Education |