Xarunta Afro Education oo loo
xil-saaray inay dalka Soomaaliya wakiil uga noqoto jaamacadaha
dalka Shiinaha
Muqdisho - July 7, 2007
Xarunta La-talinta Waxbarashada
ee Afro ayaa loo aqoonsaday inay tahay xarunta kaliya ee
wakiilka ka ah jaamacadaha dalka Shiinaha, iyadoo xaruntu awood
u leedahay inay ardeyda Soomaaliya iyo Geeska Afrikaba u soo
saarto oggolaanshaha jaamacadaha dalka Shiinaha, gaar ahaan
jaamacadda Beihua.
Jaamacadda Beihua ayaa ah
jaamacad lagu barto kulliyado badan oo ay ugu muhiimsan tahay
kulliyadda caafimaadka oo aad u jaban. Kulliyaddan oo lagu barto
afka Ingiriisiga ayaa qiimaheedu yahay $2500 sanadkii.

Mudane
Maxamed Ibraahim, wakiilka Afroedu ee Pakistan oo heshiis la
saxiixanaya Maamulka Cosmos
AfroEdu ayaa dhowaan heshiis la
saxiixatay COSMOS Consultancy oo fadhigeedu yahay dalka
Pakistan, heshiiskaas oo dhigaya in shirkadda AfoEdu ay ardeyda
Soomalaiyeed u xareyn karto jaamacadaha dalka shiinaha. Adeeggan
wuxuu ardeyda Soomaaliyeed u sahlayaa inay helaan oggolaanshaha
jaamacadhaas iyagoon sii marin dal saddexaad sida Pakistan oo ay
ardeyda ka xareysan jireen jaamacadaha Shiinaha.
Xafladii lagu saxiiyay heshiiskan
waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socoto labada xarun,
waxaana xafladdaasi lagu qabtay xafiiska Shirkadda Cosmos ee
magaalada Rwalpindi ee dalka Pakistan. Mudane Maxamed Ibraahim
Nuur, wakiilka AfroEdu ee dalka Pakistan, oo xafladdaasi ka
hadlay ayaa sheegay inay dadaal kasta ku bixin doonaan sidii ay
ardeyda Soomaaliyeed uga faa’iideyn lahaayeen fursaddan. “waa
fursad weyn oo ardeyda iyo waalidkaba ku soo booqatay dalkooda.
Ardeyda iyo waalidkoodba waxaan warbixin buuxda ka siin doonaa
jaamacadda iyo waxyaabaha ardeyda looga baahan yahay”

Labada wakiil
oo is weydaarsanaya nuqulka heshiiska
Mudane Qaysar Maxamuud, oo ah
Wakiilka Cosmos oo xafladdaasi ka hadlay ayaa ku nuuxnuuxsaday
inay tallaabadan qaadeen kadib arkii ay arkeen sida ardeyda
Soomaaliyeed u daneynayaan jaamacadaha dalka Shiinaha iyo
waxbarashada raqiiska ah. “Waxaan rajeynaynaa inay ardeyda
Soomaaliyeed ka faa’ideysan doonaan fursaddan”
Haddii aad dooneyso inaad booqato website-ka AFRO EDUCATION
CONSULTING riix halkan:
http://www.afroedu.com
ama ka wac 216034 ama 651069
(Muqdisho-Soomaaliya)
Booqo Jaamacadda http://www.beihuauniversity.com/