Jaamacadaha Dalka

Amoud University

Alfurqan University

Benadir University

Burao University

East Africa University

Hamar University

Hargeisa University

Hiran University

Indian Ocean University

Islamic University

Kismayo University

Mogadishu University

Puntland State University

Somali University

Taibah University

SIMAD Institute

SOHDEC Institute

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Jaamacadaha aan website-yada lahayn waxaa loogu bishaareynaa in qiimo jaban loogu sameyn doono website dhameystiran. Fadlan la soo xiriir Somali Education.

Somali Education

Kulliyadaha Pakistan, qiimayaashooda & sida loogu diyaar-garoobo

 

Inkastoo la heli karo jaamacad kaliya oo ka mid ah jaamacadaha Pakistan oo ka kooban illaa 70 kulliyadood, haddana waxaan qoraalkan ku soo qaadeynaa kulliyadaha ay Soomaalidu daneeyaan, ardeydooduna u badan yihiin. Waxaan sawir kooban ka bixineynaa waxa ay kulliyaddaasi tahay, sanadaheeda, qiimaha sanadkii, iyo maaddooyinka habboon in ardeygu ka diyaargaroobo ka hor intaanu billaabin jaamacadda. Kala-hormarintani kama tarjumeyso sida loo kala xiiseyo.

Computer Science

Barashada cilmiga Computer-ka si aad ah ayuu ugu baahsan yahay dalka Pakistan, waxaana la sheegaa in wixii ka dambeeyay 1990kii ay aad sare ugu kaceen jaamacadaha bixiya cilmigan. Sanadaha waxbarashada ee kulliyaddan way ku kala duwan yihiin jaamacaduhu. Sanadaha lagu qaadan karo shahaadada koowaad ee jaamacadda waa 4 sano, hase yeeshee waxay u badan yihiin 3 sano. Si taas la mid ah qiimaha sanadkii iyana way ku kala geddisan yihiin oo qaar xitaa sanadaha waxbarashadoodu iyagoo 3 sano wada ah ayaysan isku qiimo ahayn. Wuxuu sanadkii qiimuhu u dhexeeyaa $1000-$2000 (kun illaa iyo labo kun oo doolar). Sidaasi darted caadi ahaan qiimaha jaamacadda (tuition fees) ee shahaadada bachelor wuxuu qofka ugu qiimo yar ku qaadan karaa $3000, kan ugu ugu badana $6000. Maaddooyinka lagu qaato kulliyadan waa kuwo degsan oo jaamacaduhu horay u sii qorsheeyaan inta koorso ee illaa iyo shahadada bachelor lagu qaadanayo, buugga jaamacadda ayaadna ka heli kartaa koorsooyinkaas. Si kooban haddaan u iraahdo computer-ku malaha waxa loo yaqaanno ‘major’ ama ‘minor’. 

 Ardeyga xiiseynaya inuu kulliyaddan galo waa inuu ka dhisan yahay luqadda Ingiriiska oo fure u ah cilmi kasta. Sidoo kale waa inuu aasaas fiican u leeyahay xisaabta, gaar ahaan calculus-ka, geometry, iwm. Waana inuu sidoo kale ka dhisan yahay physics-ka.   

 Information Technology

 Qaar badan oo ka mid ah dalalka Carbeed culuumta computer-ka, ahaato computer science ama information technology (IT), waxay ka wada tirsan yihiin hal kulliyad. Hase yeeshee dalalka India iyo Pakistan iyo dalal badan oo caalamka kaleba ka tirsan waa 2 kulliyadood oo kala madaxbannaan, balse xiriir leh. Kulliyadda IT waxaa shahaadadeeda lagu qaataa 4 sano, halka sanadkii qiimaheeduna uu dhexeeyo $1000-$2000 (kun illaa iyo labo kun oo doolar), waxayna qiimaha la mid tahay computer science. Maaddooyinka lagu qaato kulliyadan waa kuwo degsan oo jamacaduhu horay u sii dejiyaan inta koorso ee illaa iyo shahaadada bachelor lagu qaadanayo, buugga jaamacadda ayaadna ka heli kartaa koorsooyinkaas.

 Si la mid ah kulliyadda computer science, ardeyga xiiseynaya inuu barto information technology waa inuu ka dhisan yahay luqadda Ingiriiska oo fure u ah cilmi kasta. Sidoo kale waa inuu aasaas fiican u leeyahay xisaabta, gaar ahaan calculus-ka, geometry, iwm. Waana inuu sidoo kale ka dhisan yahay physics-ka.   

 Economics

Kulliyadda dhaqaalaha sanadaha waxbarshadeeda waa 4 sano dhammaan jaamacadaha dalka Pakistan, marka laga reebo jaamacadda Islaamka ee Islamabad, taasina waxaa sanadaheeda kordhiyay iyadoo ay cilmiga dhaqaalaha ku lammaansan yihiin maaddooyin kale oo qasab ah, loona yaqaanno ‘university requirements’. Marka laga reebo jaamacadda Islaamka oo qiimo ahaan ka jaban, jaamacadaha kale qiimaha sanadkii kulliyadda dhaqaalaha waa $700 (toddobo boqol doolar).

Ardeyga xiiseynaya inuu barto dhaqaalaha waa inuu luqadda Ingriiska ka dhisan yahay illaa heer jaamacadeed, waana inuu aasaas fiican oo xisaabta ah leeyahay, gaar ahaan xisaab-fallada, aljabraha, calculus-ka, iwm, waana inuu fikrad fiican ka haystaa sayniska dabiiciga ah oo ah hal maaddo oo qasab ku ah ardeyga baranaya maddooyinka arts-ka.

Business Administration

 Si la mid ah cilmiga Computer-ka, qaar badan oo ka mid ah dalalka Carabta kulliyadda Business Administration waxay ka mid tahay kulliyadda dhaqaalaha oo sanadaha ugu dambeeya ayay ardeydu kala qeybsamaan. Hase yeeshee dalalka Pakistan iyo India iyo meelo badan oo calamka ka mid ahba waxay kala yihiin labo kulliyadood oo kala madaxbannaan. Markaad dhiganeyso kulliyadda Business Administration waxaad qaadaneysaa maaddooyin xiriir toos ah la leh kulliyaddan. Inkastoo dhaqaaluhu yahay laf-dhabarta kulliyaddan, haddana waxay kulliyaddani si gaar ah ardeyga ugu carbinaysaa siduu u abuuri lahaa, una maamuli lahaa ganacsi gaar loo leeyahay.

 Sanadaha kulliyaddan waa 4 sano, qiimaheeduna way ku kala duwan yihiin jaamacaduhu, hase yeeshee sanadkii wuxuu u dhexeeyaa $1000-$2000 (kun illaa iyo labo kun oo doolar). Maaddooyinka lagu qaato kulliyadan waa kuwo degsan oo jaamacaduhu horay u sii dejiyaan inta koorso ee illaa iyo shahaadada bachelor lagu qaadanayo, mana laha waxa loo yaqaanno ‘major’ ama ‘minor’.

Ardeyga doonaya inuu kulliyaddan galo waa in Ingiriiskiisu si aad ah u dhisan yahay,  waana inuu aasaas fiican oo xisaabta ah leeyahay. Way fiican tahay inuu ardeygu fikrad ka haysto xisaabaadka (accounting), hase yeeshee haddii ardeygu ka dhisan yahay luqadda Ingiriiska iyo xisaabta si sahlan ayuu u maareyn karaa daraasadda kulliyaddan.

 

International Relations  

Xiriirka caalamiga ah waa barashada siyasaadda caalamka iyo xiriirka dal la leeyahay dal kale, waana howsha ay qabato wasaaradda arrimaha dibedda. Kulliyaddan sanadaha waxbarashadeeda waa 4 sano. Qiimaha waxbarashadeeduna sanadkii waa $700 (toddobo boqol doolar).

Ardeyga doonaya inuu cilmigan barto waa inuu ka dhisan yahay luqadda Ingiriiska, waana in macluumaadkiisa guud uu macquul yahay. Ka sokow luqadda Ingiriiska oo iyadu ah aasaaska maaddo walba, waa inuu wax ka yaqaannaa joqoraafiga iyo taariikhda adduunka.

 Microbiology

Waa cilmiga barashada noolayaasha il-ma-qabatada ah. Wuxuu cilmigan la xiriiraa qeybta barashada sheybaarka dhaqaatiirta ka saacida inay ogaadaan sababta cudurka. Kulliyaddan sanadaha waxbarashadeeda waa 3 sano, qiimaheeduna waa $700 (toddobo boqol doolar).

Ardeyga doonaya inuu kulliyadan galo waxaa looga baahan yahay in, ka sokow luqadda Ingiriiska, uu aqoon fiican u leeyahay biology iyo chemisrty. Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata kulliyaddan waxay aalaaba dhib kala kulmaan maaddooyin ay ka mid tahay (physiology), sidaasi awgeed in ardeygu fikrad ka sii haysto way habboon tahay.


Agriculture (Beeraha iyo xannaanada xoolaha)

Kulliyadda Beeraha ama xannaanada xoolaha sanadaha lagu qaato shahaadada bachelor-ka waa afar sano. Qiimaha kulliyaddan ee sanadkii waa $800 (siddeed boqol doolar). Waxaad kulliyaddan ka baran kartaa jaamacadaha Peshawar ama Faysalabad oo ka mid ah jaamacadaha beeraha iyo xannaanada xoolaha kuwa ugu caansan qaaradda Aasiya.

Ardeyga xiiseynaya inuu barto mid ka mid ah cilmigan waa in, ka sokow luqadda Ingiriiska, uu ku fiican yahay biology, chemisrty iyo xisaab.      

 Medicine

 Waa cilmiga barashada caafimaadka bini’aadamka. Sanadaha waxbarashadeedu waa 5 sano iyo sanad laga shaqeynayo isbitaal. Qofkii doonaya inuu iska bixiyo kulliyaddan waxaa sanadkii laga qaadayaa $7000 (toddobo kun oo doolar). Hase yeeshee ardeyda Soomaaliyeed oo dalkan ka barata caafimaadka waxay ku heleen iyadoo dowladda Pakistan ay siiso safaaradda Soomaalida ee Islamabad kuraas ah 4 xirfadood oo kala ah: caafimaad (medicine), caafimaadka ilkaha (dental medicine), injineeriya (engineering), iyo cilmiga daawada (pharmacy), deeqdaas oo ahayd mid soo tixneyd tan iyo xukuumaddii militeriga.

Ardeyga xiiseynayaa inuu barto kulliyaddan waa inuu, ka sokow luqadda Ingiriiska, ku fiican yahay maaddooyinka biology-ga iyo chemistry. Maaddooyinka ‘physiology’ iyo ‘anotomy’ waxay ka mid yihiin kuwa ugu badan ee ardeyda Soomaalida dhibaatooyinka kala kulmaan, sidaasi darteed inuu ardeygu fikrad guud ka haystaa waa talo wanaagsan.

Dental Sceince

Waa cilmiga barashada caafimaadka ilkaha. Sanadaha waxbarashadeedu waa 4 sano iyo sanad laga shaqeynayo isbitaal. Qofkii doonaya inuu iska bixiyo kulliyaddan wuxuu u soo diyaar garoobayaa qiimo aan wax weyn ka yareyn kan kulliyadda caafimaadka.

Si la mid ah kulliyadda caafimaadka, ardeyga xiiseynayaa inuu barto cilmigan waa inuu, ka sokow luqadda Ingiriiska, ku fiican yahay maaddooyinka biology-ga iyo chemistry.

 Pharmacy

Waa cilmi fikaradda Soomaalidu ka haysato ay aad u hooseyso. Hadda iyo horraanba qofka farmashiyeyahanka ah waxaa loo haystaa inuu yahay qof ay xirfaddiisu tahay inuu farmashiye iibiyo, si la mid ah qof dukaan iibinaya. Hase yeeshee xirfaddani way ka mug ballaaran tahay inta laga aaminsan yahay. Dadka barta cilmigan waa kuwa soo saara daawooyinka, isla markaana kontoroola tayada daawada dalka soo galaysa. Kulliyaddan waxay ka mid tahay kuwa loogu jecel yahay dalka Pakistan maxaa yeelay waa tan soo saarta dadka ka shaqeeya shirkadaha daawada sameeya oo dalka ku baahsan. Sanadaha waxabarashada ee kulliyaddani waa 4 sano. Si la mid ah labada kulliyadood ee caafimaadka, ayaa ardeyda Soomaaliyeed ee cilmigan barata ay ku heleen deeq waxbarasho oo ay dowladda Pakistan sanad kasta siiso safaaradda Soomaalida.

Ardeyga xiiseynaya barashada cilmigan waa inuu, ka sokow luqadda Ingiriiska, si aad ah ugu fiican yahay chemistry, biology, iyo xisaab. 

Engineering

Barashada cilmiga farsamada sida la wada ogsoon yahay wuxuu u sii kala baxaa qeybaha sida dhismaha, korontada, makaanikada, iwm. Sanadaha waxbarashada kulliyaddan waa 4 sano. Si la mid ah kulliyadaha caafimaadka iyo cilmiga daawada ayaa ardeyda Soomaaliyeed ee cilmigan barata ay ku heleen deeq waxbarasho oo ay dowladda Pakistan sanad kasta siiso safaaradda Soomaalida.

Ardeyga xiiseynaya inuu barto injineeriyada waa inuu, ka sokow luqadda Ingiriiska, si fiican uga dhisan yahay xisaabta iyo physics-ka.

Si kastaba ha ahaatee, kulliyad kastaa oo aad gasho waxaad ku kalsoonaataa in dadka Soomaaliyeed baahi weyn u qabaan. Haddaad joogto Pakistan la yaab ma laha inaad aragto qof wata dhowr shahaado jaamacadeed oo dhinacyo kala duwan ah, taasna sababta ugu weyn ee ku kalliftay waxay tahay iyadoo markuu shaqo ku waayo xirfaddaas uu misana u weecanayo mid kaloo ka yara suuq wanaagsan. Hase yeeshee Soomaalidu qof kasta oo soo barta cilmi, noocuu doono ha ahaadee, waxaa hubaal ah in loo baahan doono markay tagto ‘maxaad taqaannaa?’. 

Qoraalka xiga

WQ. Axmed Ugaas

Tifaftiraha Somali Education

 Warbixino muhiim ah

Sidee loo xushaa kulliyad, jaamacad, iyo dalka aad wax ka baraneyso? (akhri)
 

Maxaa ardeyga muhiim u ah marka uu u dhoofayo dalka dibeddiisa? (akhri)
 


Sidee wax looga baran karaa dalalkan?

Sidee wax looga baran karaa dalka Suudaan? (akhri)

Sidee wax looga baran karaa dalka Malaysiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Pakistan? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Masar? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Hindiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Urdun? (akhri)

 

Sidee wax looga baran karaa dalka Yemen? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Uganda? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Ruushka? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Shiinaha? (akhri)
 

 Warbixino muhiim ah

Sidee loo xushaa kulliyad, jaamacad, iyo dalka aad wax ka baraneyso? (akhri)
 

Sidee loo xushaa kulliyad, jaamacad, iyo dalka aad wax ka baraneyso? (akhri)
Sidee loo xushaa kulliyad, jaamacad, iyo dalka aad wax ka baraneyso? (akhri)
Sidee wax looga baran karaa dalka Suudaan? (akhri)

Sidee wax looga baran karaa dalka Malaysiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Pakistan? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Masar? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Hindiya? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Urdun? (akhri)

 

Sidee wax looga baran karaa dalka Yemen? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Uganda? (akhri)
 

Sidee wax looga baran karaa dalka Ruushka? (akhri)
 
Sidee wax looga baran karaa dalka Shiinaha? (akhri)
 

Contact: somaliedu@yahoo.com
Designed & Hosted by AfroTech