|
Waxbarashada dalka Masar?
Qaahira - Maarso 12, 2004
Dalka Masar wuxuu Soomaaliya la
lahaa xiriir aad u fog, wuxuuna xiriirkaas soo taxnaa illaa
xilligii Faraacinada ay xukumi jirtay Masar illaa iyo hadda,
wuxuuna ka bilaabmey xiriir ganacsi. Boqoraddii Xatshabsuut
ayaana ahayd tii xiriirkaas sii xoojisay, una dirtay wufuud
waddankii Puntu (Soomaaliya) si ay u soo hirgeliyaan ganacsiga
bukhuurka, fooxa iyo beenyada oo ay Soomaalidu dhoofin jirtay,
caanna ku ahayd ka ganacsigiisa, xilligaas oo ay
taariikhyahanadu ku sheegaan inay ahayd 1700 sanno ka hor
dhalashadii Nabi Ciisa.
Wuxuu xiriirkaas ganacsi sii jiraba, wuxuu joogsaday xilligii uu
isticmaarku qabsaday dalka Soomaaliya, hase yeeshee Masar waxay
sii wadday taakuleynta sidii lagula dagaallami lahaa isticmaarka
iyo u fidinta deeqaha waxbarasho ee daka Soomaalida, taas oo aad
u soo korortay xilligii wisaayada caalamiga ah uu waddanka ku
jirey inay ardey badan oo Soomaaali ah deeq waxbarsho ah ka
heleen dalka Masar, waxaana dadkaasi laga xusi Sheekh Maxamed
Xuseen oo ka mid ahaa Aasaasayaashii, isla markaana noqday
Guddoomiyihii SYL.
Dalka Masar waxaa uu ka mid yahay waddamada ugu badan ee ay
Soomaalida ka hesho deeqaha waxbarasho, waxna ka barta ardey aad
u fara badan, waana xaruunta Azharu Shariif, waana meesha kaliya
ee ugu badan ee ay ardeydu ay ka helaan deeqaha waxbarasho marka
laga reebo dalka Suudaan oo ah waddanka aan Soomaaliya ka hagran
deeqaha waxbarasho garab taagnaana Soomaalida mar walba deeqo
waxbarashana u fidin jirey weligiis.
Deeqaha waxbarasho ee ay Azhar bixiso waxaa Soomaalida loo
mariyaa safaarada dowlada Masar ee Muqdishu iyo Nairobi. Deeqaha
Azhar keliya kuma koobna, waxaa ka loo jira deeqo waxbarasho oo
ay Soomaalida ka hesho jaamicadaha Qaahira iyo Caynu Shamsi,
waxayna u soo mariyaan safaarada Soomaalida ee Qaahira, taas oo
ay u qeybiso ama ay siiso ardeyda Soomaaliyeed.
Waxaa kaloo jira machad sare oo la yiraahdo (Machadka
cilmi-baarista iyo daraasaadka Carbeed) oo raacsan Jaamicada
Carabta, waana Machadka keliya ee siiya deeqda waxbarasho ee ka
sarreeysa shahaadada koowaad ee jaamicada sida mastareedka iyo
daktareedka ayna dhigtaan ardey badan oo Soomaliyeed takhasusyo
kala duduwana ka diyaariya. Ardeydaas waxay ka soo kala baxeen
jaamicado kala gegedisan kuwa dalka iyo kuwa dibadda, laakiin
ardeyda ugu badan ee dhigata ay ka soo baxeen Jaamicada Muqdisho,
iyadoo Jaamicada Muqdishana ay tahay jaamicada keliya ee ka
haysata ictiraafka iyo iskaashiga jaamicadaha Carbta iyo kuwa
Islaamka iyo jaamicado kaleba.
Waxaa kaloo jira jaamicado gaar loo leeyahay (private
universities) oo ay ka mid tahay jaamacadda 6da Oktoobar iyo
Akadeemiyada Badda iyo kuwo kale oo badan. Waxaa kaloo jira
machadyo sar sare oo gaar loo leeyahay oo iyaguna bixiya
dibloomooyin sarsare oo ay ardey Soomaaliyeed wax ka bartaan.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in dhallinyaro fara badan ay iyagoo
farsado waxbarsho heli karo ay ka doorbidayaan inay tahriibaan
ama ay doonayaan in ay aadaan Yurub si ay qaxooti u noqdan ama
ay Mareeykanka aadaan si ay u qabtaan shaqooyin aan u qalmin mar
walba ka hadlaan buufis (oo micnaheedu yahay in uu qofka
jeclaado dibadaha) iyo safar waxayna habeenkii oo dhan ku
dhamaystaan wakhtigooda meelaha internetnetka si ay wax ugu
faduuliyaan maalinkii oo dhan ay hurdo balwad ka digteen.
Ugu danbayntii waxaa dibadda ka soo laabtay oo haatan Masar aad
u soo dagay qoysas fara badan oo u soo baqay ilmahooda iyagoo
badankoda ka soo laabtay waqooyiga Maraykanka (Maraykanka iyo
Kanada) iyoYurub si ay carruurtooda waxbarasho iyo barbaarin ugu
helaan, dalka Masar-na uga diiwaan geliyay dugsiyo iyo meelaha
xanaanada caruurta .
Waxaa Qoray:
C/naasir Sh. Xasan Axmed Faqiih
Wakiilka Somali Education
Qaahira - Masar
|