|
Waa sidee waxbarashada Yemen?
Dalka
Yemen ayaa ka mid ah dalalka fara-ku-tiriska ah ee albaabada u
furay dhallinta Soomaliyeed ee waxbarasho-doonka iyo dadka soo
haajiray oo aan heysan hoy iyo xananeyn fiican. Laga soo
billaabo tan iyo burburkii Soomaaliya sanadkii 1991kii waxa ay
Yemen u ahayd ardayda Soomaaliyeed hoy ay kusoo hirtaan, iyado
ujeeddada ugu weyn ee ay u imanayeen halkaana ay ahayd uun sidii
ay u heli lahaayeen waxbarasho heerka sare ah.
Maanta Ilaah mahaddiis
qaar
badan oo ku waa ka mi d ah waa ay ku guulaysteen gaarida
yididiiladaa, kuwaasoo sanooyinkii hore ka qalin jebiyay. Qeyb
jaamacadaha yemen kamid ah halka kuwo kalena ey kujiraan wali
jaamacadaha dalka yemen ,waxaana tirade ardaydu gaareysaa ilaa
500 arday oo wax ka dhigata jaamacaada wadanka yemen.
Ardayda
Soomaaliyeed ee waxkabarata dalka yemen waa sadax kooxood oo
kala ah kuwa kahela
1--- University of Science &
Technology
oo ay ka helayaan ardaydu bankiga islamka iyo kuwe kale sida
Ahgaff university oo ardayda ka soo baxda machadka hoose dhexe
sare ee al-ma'muun ay ka helaan deeq waxbrasho oo loo
soomarsiiyo ahgaffv university. Dhinaca kale ardayda intabadan
aan kujirin qolooyinkaan waxa ay codsiyada u qortaan safaaradda
Soomaliya ee Sanca ku taala islamarkaan kuraasta waxbarasho ee
ay bixiso dowladda Yemen sanad kasta uqeybisaa ardayda.
Waxaa kajira dalka
Yemen urur mideeya ardayda Somaliyeed kana shaqeeya howlaha
ardayda Soomaliyeed ee yemen. Waxaa xusid muda in Yemen ardayda
joogta ey ka kala yimideen dhammaan gobollada Soomaaliya
sida koonfur, deegaanada waqooyi bari
iyo waqooyi Galbeed ee Soomaaliya.
Ardaydaan ayaa
badankood oo daaq waxbarasho ka hesho Bankiga Islamka, deeqdaas
oo u soo marta Dallada Waxbarashada FPENS. Ardayda hesha deeqda
waxbrasho waxa ay ku kala nool yihiin gobollada dalka oo dhan..
Dalka Yemen oo ka mid ah wadamada aan jaarka nahay(gacanka
cadmeed), ayaa waxaa ku nool qaxooti soomaaliyeed kan
ugu tirada badan adduunka oo dhan. Marka aan daasi leeyahay
waxaan ula jeedaa tirada qaxootiga ka diiwaan gashan hay'ada
UNHCR, waxaa ka badan kuwa aan diiwaan gashaneyn.
Waayo ilaa iminka ayey yimaadaan, ayagoo rabo inay kaga sii
gudbaan, wadamada gacanka carbeed(khaliijul carab), qaar badan
oo kamid ah dadkaan(transit)ka ah,ayaa safarkooda cakirmaya oo
dalkaan isaga nagaada..

W.D. Xasan M. Maxamuud Samatar (Albisri)
E-mail: xalbisri2@hotmail.com |